GABAYGII
SULAYMAAN
1
Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan.
Gacalisada Hadlaysaa
Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa;
Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.
Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay,
Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay,
Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.
I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye.
Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.
Saaxiibadaha Hadlayaa
Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa,
Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan.
Gacalisada Hadlaysaa
Si qumman ayay kuu jecel yihiin.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow,
Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay
Sida teendhooyinkii reer Qedaar
Iyo sida daahyadii Sulaymaan.
Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis.
Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday,
Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah,
Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.
Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg
Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid;
Waayo, bal maxaan u ahaanayaa
Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?
Saxiibadaha Hadlayaa
Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon,
Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa,
Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.
Gacaliyaha Hadlayaa
Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay
Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.
10 Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan,
Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.
11 Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah
Oo lacag laga taagay.
Gacalisada Hadlaysaa
12 Inta boqorku miiskiisii fadhiyey,
Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.
13 Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah
Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.
14 Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah
Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.
Gacaliyaha Hadlayaa
15 Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay,
Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.
Gacalisada Hadlaysaa
16 Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay,
Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.
Gacaliyaha Hadlayaa
17 Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah,
Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah.