3
Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.
Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.
Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.
Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.
Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.
Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.
Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.
Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.
Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.
10 Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.
11 Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.
12 Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.
13 Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.
14 Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan.
15 Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.
16 Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.
17 Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.
18 Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.
19 Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii.
20 Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay.
21 Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay.
22 Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato.
23 Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.
24 Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa.
25 Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba.
26 Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo.
27 Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay.
28 Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray.
29 Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto.
30 Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.
31 Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono.
32 Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed.
33 Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo.
34 In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo,
35 Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,
36 Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.
37 Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?
38 Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?
39 Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?
40 Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.
41 Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira.
42 Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.
43 Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.
44 Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin.
45 Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.
46 Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.
47 Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.
48 Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.
49 Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan
50 Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego.
51 Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood.
52 Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale.
53 Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.
54 Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.
55 Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.
56 Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.
57 Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan.
58 Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.
59 Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.
60 Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.
61 Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,
62 Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qasdiyeenba.
63 Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan.
64 Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda.
65 Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa.
66 Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa.