15
Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa,
Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.
Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa,
Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.
Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan,
Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.
Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed
Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.
Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa,
Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal,
Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.
Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan,
Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.
Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.
10 Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul,
Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.
11 She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin,
Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?
12 Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto,
Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.
13 Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa,
Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.
14 Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa,
Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.
15 Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin,
Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.
16 Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto
Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.
17 Cunto khudaareed oo jacayl la jiro
Ayaa ka wanaagsan dibi la cayiliyey oo nacayb la jiro.
18 Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa,
Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.
19 Ninkii caajis ah jidkiisu waa sida meel qodxan leh oo kale,
Laakiinse kii xaq ah jidkiisu waa dariiq bannaan.
20 Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa,
Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
21 Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran,
Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.
22 Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba',
Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.
23 Nin wuxuu farxad ka helaa jawaabta afkiisa,
Oo eraygii wakhti ku habboon la yidhaahdaana sidee buu u wanaagsan yahay!
24 Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh,
Si uu uga tago She'oolka hoose.
25 Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh,
Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.
26 Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa,
Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.
27 Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa,
Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.
28 Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo,
Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.
29 Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay,
Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.
30 Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa,
Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.
31 Dhegtii canaanta nolosha maqashaa
Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.
32 Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa,
Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.
33 Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda,
Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.