95
Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee,
Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq,
Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.
Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn,
Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.
Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan,
Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.
Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey,
Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.
Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee,
Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,
Waayo, isagu waa Ilaaheen,
Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira.
Bal maanta maad codkiisa maqashaan!
Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay,
Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,
Markay awowayaashiin i jirrabeen,
Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.
10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay
Inaanay nasashadayda gelin.