3
Waxaa Xaq Lagu Noqdaa Rumaysad
Garaadlaawayaasha reer Galatiyow, yaa idin sasabtay, kuwiinna indhahooda la hor dhigay Ciise Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay? Waxaan keliyahoo idinka doonayaa inaan idinka barto, Ruuxa ma waxaad ku hesheen shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka? Ma sidaasaad u garaadla'dihiin? Idinkoo Ruuxa ku bilaabay miyaad haatan jidhka ku dhammaynaysaan? Ma waxtarla'aan baad wax badan ugu xanuunsateen? hadday waxtarla'aan ahayd. Haddaba kan Ruuxa idin siiya oo shuqullada xoogga leh idinku dhex sameeyaa, ma wuxuu ku sameeyaa shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka? Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo. Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim. Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan. Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay. 10 In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga. 11 Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa. 12 Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa. 13 Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay, 14 inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.
15 Walaalayaalow, sida dadkaan u hadlayaa, In kastoo ay tahay xataa axdiga dadka, mar haddii la hubiyo, lama buriyo, waxbana laguma daro. 16 Ballamada waxaa loo qaaday Ibraahim iyo kii ka soo farcamay. Lama odhan, Kuwa ka soo farcamay sida kuwa badan, laakiinse sidii mid keliya, oo ah kan ka soo farcamay, kaas oo ah Masiixa. 17 Waxaan leeyahay, Ilaah baa axdi hore u dhigay, oo sharcigii afar boqol iyo soddon sannadood dabadeed yimid ma buriyo axdigaas oo ballanka ma baabbi'iyo. 18 Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.
Waxa Sharciga Loo Soo Dejiyey
19 Haddaba sharcigu waa maxay? Waxaa loogu daray xadgudubyo aawadood, ilaa farcankii loo ballanqaaday yimaado, oo waxaa xagga malaa'igaha lagaga amray dhexdhexaadiye gacantiis. 20 Dhexdhexaadiye mid keliyahu ma leh, laakiinse Ilaah waa mid keliya. 21 Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga. 22 Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.
23 Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo. 24 Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka.
Waxa Rumaysadka Ka Yimaada
25 Laakiinse rumaysadkii waa yimid, oo taas daraaddeed mar dambe edbiye kama hoosayno. 26 Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix. 27 In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix. 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.