WARQADDII KOWAAD  
EE RASUUL BAWLOS  
U QORAY DADKII  
TESALONIIKA   
1
Salaan Iyo Mahadnaqid 
 
1 Annagoo ah Bawlos iyo Silwanos iyo Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa dadka Tesaloniika kiniisaddooda oo ku jirta Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix. Nimco ha idinla jirto iyo nabadu.   
2 Had iyo goorba Ilaah baannu idiinku mahadnaqnaa kulligiin, annagoo baryadayada idinku xusuusanayna.  
3 Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.  
4 Annagu waannu og nahay, walaalaha Ilaah jecel yahayow, in Ilaah idin doortay,  
5 waayo, injiilkayagu idiinkuma iman hadal oo keliya, laakiinse wuxuu kaloo idiinku yimid xoog iyo Ruuxa Quduuska ah iyo hubaal badan. Waad garanaysaan caynkaannu dhexdiinna ku ahayn idinka aawadiin.  
6 Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.  
7 Sidaas daraaddeed masaal baad u noqoteen kuwa rumaystay oo Makedoniya iyo Akhaya jooga oo dhan.  
8 Waayo, ereygii Rabbigaa idinka dhawaaqay, mana aha Makedoniya iyo Akhaya dhexdooda oo keliya, laakiinse rumaysadkiinna xagga Ilaah wuxuu gaadhay meel kasta; oo sidaas daraaddeed uma aannu baahnin inaannu wax nidhaahno.  
9 Waayo, iyaguba waxay ka warramaan wax nagu saabsan oo ah sidaannu idiinku soo galnay, iyo sidaad sanamyadii uga jeesateen oo Ilaah ugu soo jeesateen, inaad u adeegtaan Ilaaha nool oo runta ah,  
10 oo aad samada ka sugtaan Wiilkiisa uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey oo ah Ciisaha inaga samatabbixinaya cadhada imanaysa.