18
Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Kuush
Dalka baalasha hadhsanaya wuxuu ka sii shisheeyaa webiyaasha Kuush! Ergooyin ayuu badda ku diraa, oo xataa doonniyo caw ah ayuu biyaha korkooda ku diraa oo yidhaahdaa, Wargeeyayaasha dheereeyow, waxaad u tagtaan quruun dheer oo sulubsan, oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan! Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla. Waayo, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Anigoo aamusan, ayaan hoygayga wax ka soo fiirin doonaa sida kulaylka widhwidhaya ee qorraxda, iyo sida daruur darab ah oo xilliga beergoosadka hooraysa. Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa. Oo iyaga waxaa dhammaantood looga wada tegi doonaa haadka buuraha iyo dugaagga dhulka, oo haadka ayaa iyaga kulaylka ka hadhsan doonaa, oo dugaagga dhulka oo dhammuna iyagay qabowga ka dugsan doonaan. Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.