64
Maad samooyinka soo jeexdid, oo maad hoos u soo dhaadhacdid, si ay buuruhu hortaada uga gariiraan sida dab xaabo uu u gubo oo uu biyahana u karkariyo, in magacaaga cadaawayaashaada la ogeysiiyo, iyo in quruumuhu ay hortaada ku gariiraan! Markaad waxyaalo cabsi badan oo aannan filanayn samaysay, hoos baad u soo dhaadhacday, oo buurihiina hortaaday ku gariireen. Tan iyo waa hore ninna ma garan, dheguna ma maqal, iluna ma arag Ilaah aan adiga ahayn oo u shaqeeya kan isaga wax ka suga. Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa? Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa. Oo innaba lama arko mid magacaaga ku baryootama, ama niyadiisa u kiciya inuu ku xagsado, waayo, wejigaagii waad naga qarisay, oo xumaatooyinkayagii aawadood waad na wada baabbi'isay. Laakiinse haatan, Rabbiyow, waxaad tahay Aabbahayaga. Annagu waxaannu nahay dhoobadii, oo adiguna dheryasameeyahayaga baad tahay, oo annana kulligayo shuqulkii gacantaada baannu nahay. Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay. 10 Magaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah. 11 Gurigayagii quduuska ahaa oo qurxoonaa oo ahaa meeshii ay awowayaashayo kugu ammaani jireen dab baa lagu gubay, oo waxyaalahayagii wanwanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey. 12 Rabbiyow, waxyaalahaas aawadood ma isu celinaysaa? Ma iska aamusaysaa, oo ma aad baad noo sii dhibaysaa?