110
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 
1 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,  
Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.   
2 Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga,  
Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.   
3 Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga,  
Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga,  
Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.   
4 Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi,  
Adigu weligaaba wadaad baad tahay,  
Sidii derejadii Malkisadaq.   
5 Sayidka midigtaada joogaa  
Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.   
6 Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa,  
Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad,  
Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.   
7 Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa,  
Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.