113
1 Rabbiga ammaana.  
Rabbiga addoommadiisow, ammaana.  
Rabbiga magiciisa ammaana.   
2 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba  
Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado.   
3 Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh  
Magaca Rabbiga waa in la ammaano.   
4 Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa,  
Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.   
5 Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah,  
Oo kursigiisa ku leh xagga sare,   
6 Oo hoos u eega  
Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?   
7 Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda,  
Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,   
8 Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro,  
Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.   
9 Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso,  
Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh.  
Rabbiga ammaana.