126
Gabayga meelokoridda. 
 
1 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,  
Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.   
2 Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,  
Carrabkeennana gabay,  
Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,  
Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.   
3 Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,  
Oo aynu ku faraxsan nahay.   
4 Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi  
Sida durdurrada koonfureed.   
5 Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.   
6 Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,  
Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.