129
Gabayga meelokoridda. 
 
1 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,  
Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,   
2 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,  
Laakiinse igama ay adkaan.   
3 Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay,  
Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.   
4 Rabbigu waa xaq,  
Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.   
5 Inta Siyoon neceb oo dhammu,  
Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.   
6 Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa  
Oo engega intaanu korin,   
7 Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin,  
Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.   
8 Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan,  
Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato.  
Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.