134
Gabayga meelokoridda. 
 
1 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow,  
Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.   
2 Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa,  
Oo Rabbiga ammaana.   
3 Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo,  
Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.