14
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. 
 
1 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro.  
Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah,  
Ma jiro mid wanaag sameeya.   
2 Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,  
Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,  
Oo Ilaah doondoona.   
3 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,  
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.   
4 Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn?  
Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan,  
Mana ay baryaan Rabbiga.   
5 Halkaasay aad ugu cabsadeen,  
Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.   
6 Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka,  
Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.   
7 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!  
Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,  
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.