149
1 Rabbiga ammaana.  
Rabbiga gabay cusub ugu gabya,  
Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.   
2 Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen,  
Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.   
3 Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen,  
Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.   
4 Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa,  
Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.   
5 Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen,  
Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.   
6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto,  
Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,   
7 Si ay quruumaha uga aargutaan,  
Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,   
8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan,  
Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,   
9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran,  
Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan.  
Rabbiga ammaana.