43
1 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn,  
Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.   
2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay?  
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?   
3 Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen,  
Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.   
4 Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah,  
Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn,  
Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.   
5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?  
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?  
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa  
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.