46
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waa gabay lagu luuqeeyo Calaamood
Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna,
Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo,
Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan,
Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah,
Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto,
Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen,
Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga,
Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa,
Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa,
Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay,
Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa,
Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)