6
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah, oo Shemiiniid lagu luuqeeyo. 
 
1 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,  
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.   
2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay,  
Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.   
3 Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay,  
Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?   
4 Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi,  
Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.   
5 Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto,  
Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?   
6 Waxaan la daalay jibaadkayga,  
Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa.  
Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.   
7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo,  
Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.   
8 Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow,  
Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.   
9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii,  
Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.   
10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan,  
Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.