61
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah. 
 
1 Ilaahow, qayladayda maqal,  
Oo baryadaydana dhegta u dhig.   
2 Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya,  
Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.   
3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal,  
Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.   
4 Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga,  
Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)   
5 Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay,  
Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.   
6 Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa,  
Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.   
7 Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa,  
Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.   
8 Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa,  
Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.