8
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid. 
 
1 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,  
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!  
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.   
2 Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,  
Waana cadaawayaashaada daraaddood,  
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.   
3 Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,  
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,   
4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?  
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?   
5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,  
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.   
6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,  
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,   
7 Idaha iyo lo'da oo dhan,  
Iyo xayawaanka duurka joogaba,   
8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,  
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.   
9 Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,  
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!