7
Waxaa La Shaabadeeyey Boqol Iyo Afar Iyo Afartankii Kun Oo Qof
Taas dabadeed waxaan arkay afar malaa'igood oo taagan afarta gees oo dhulka, oo xajinaya afarta dabaylood, si aan dabaylu ugu dhicin dhulka ama badda ama dhirta. Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi, Waxba ha yeelina dhulka iyo badda iyo dhirta toona, jeer aannu addoommada Ilaahayaga wejiga ka shaabadayno. Oo waxaan maqlay intoodii la shaabadeeyey tiradoodii, waxayna ahaayeen boqol iyo afar iyo afartan kun oo intaasaa laga shaabadeeyey qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan.
Qabiilka reer Yahuudah waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Ruubeenna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Gaadna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Aasheerna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Naftaalina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Manasehna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Simecoonna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Laawina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Sebulunna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Yuusufna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun.
Riyadii Lagu Arkay Kuwii Rabbigu Soo Madaxfurtay
Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.
13 Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen? 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka. 15 Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa. 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan; 17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.