6
Saaxiibadaha Hadlayaa
Taada naagaha u qurxoonay,
Xaggee gacaliyahaagii tegey?
Aannu kula goobnee,
Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?
Gacalisada Hadlaysaa
Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah
Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.
Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii,
Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.
Gacaliyaha Hadlayaa
Taan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale,
Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale,
Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.
Indhahaaga iga sii jeedi,
Waayo, way iga adkaadeen.
Timahaagu waa sida riyo
Buur Gilecaad ka muuqda.
Ilkahaaguna waa sida laxo
Ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay,
Oo middood kastaaba mataano dhashay,
Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.
Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.
Waxaa jira lixdan boqoradood, iyo siddeetan naagood oo addoommo ah,
Iyo gabdho aan tiro lahayn.
Laakiinse qoolleydayda, iyo tayda sanu waa mid qudha.
Iyadu waa tan keliya ee hooyadeed,
Oo waa tan daahirsan ee tii iyada dhashay.
Gabdhuhu iyaday arkeen oo waxay ku sheegeen mid barakaysan,
Oo xataa boqoradihii iyo naagihii addoommaha ahaaba way ammaaneen.
Saaxiibadaha Hadlayaa
10 Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga,
Oo sida dayaxa u qurxoon,
Ee sida qorraxda u daahirsan,
Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?
Gacaliyaha Hadlayaa
11 Waxaan ku dhaadhacay beertii yicibta
Inaan soo arko geedaha cagaarka ah ee dooxada,
Iyo inaan soo arko bal in canabkii magoolay,
Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale.
12 Anigoo aan garanayn ayaa nafsaddaydu iga dhigtay sida gaadhifardoodkii Cammiinaadiib oo kale.
Saaxiibadaha Hadlayaa
13 Tan reer Shuuleemay, soo noqo, soo noqo,
Aan ku daawannee soo noqo, soo noqo.
Gacaliyaha Hadlayaa
Bal maxaad u daawanaysaan tan reer Shuuleem
Sida cayaarta Maxanayim?