140
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. 
 
1 Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi,  
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,   
2 Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin,  
Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.   
3 Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale,  
Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)   
4 Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr,  
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,  
Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.   
5 Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko,  
Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)   
6 Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga,  
Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.   
7 Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow,  
Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.   
8 Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan,  
Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)   
9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana  
Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.   
10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen,  
Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka,  
Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.   
11 Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin,  
Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.   
12 Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono,  
Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.   
13 Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga,  
Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.