141
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. 
 
1 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso,  
Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.   
2 Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay,  
Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.   
3 Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji,  
Oo albaabka bushimahaygana dhawr.   
4 Qalbigayga ha u duwin wax shar ah,  
Yaanu falimo xumaan ah la gelin  
Dadka xumaanta ka shaqeeya,  
Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.   
5 Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa,  
Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto,  
Madaxayguna yaanu diidin,  
Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.   
6 Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa,  
Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.   
7 Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo  
Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.   
8 Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan,  
Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.   
9 Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen,  
Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.   
10 Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda  
Markaan anigu ka baxsado.