142
Kanu waa baryootan Maskiil ah ee Daa'uud tiriyey markuu godkii ku jiray. 
 
1 Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa,  
Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.   
2 Oo hortiisaan ku cawdaa,  
Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.   
3 Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin,  
Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.   
4 Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag,  
Waayo, nin i yaqaan ma jiro,  
Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.   
5 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,  
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga,  
Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.   
6 Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey,  
Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.   
7 Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo,  
Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona,  
Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.